✔️ Yuusan qoraalka kula dheeraan xogtiisa ayaa ka muhiimsan mahadsanid.
✔️ Sanad walba o cusub o bilaama waa fursad cusub o bilaamata ayana khasab tahay inaan ka fa’idaysano anagoo oga fa’idaysanaya cibaado,waxabarsho, shaqo iyo hormar aan gaarsiino nafteena ,anagoona ku qurxinayna sanadka hadafyo aan samaysano iyo yaqiin aan nafteena yaqiinsanahy iyo raaliahaanshaha alle SWC .isna waydii su’allahan marka hore maxaan kabartay sanadkii tagay guul iyo khasaare? Seese ugu diyaargaroobay kan sosocda?Waxan kula wadaagayaa dhowr talooyin oo kuu sahlaya inaad gaartid hadafyadaada sanadka cusub.
1:HADAF SAMAYSO:
soo qaado qalin iyo xaanshi kuna qor ilaa 10-5 hadaf kuwasoo aad inaad gaartid 2024 hana noqdaan kuwo qeexan oo macquul ah aadna hubtid inaad gaarikartid adoona ka bilaabaya hadafyo yar si ay kuugu jiidaan kuwa waaween waxana dhigtaa meel aad malin kasta ka arki kartid si aad ugu dhiiratid inad iand malinba xoga xaqijiso.
2:BEDAL QAAB FIKIRKAAGA:
qofkasta si buu u fikiraa una arkaa waxyaalaha ku xeeran marba sida ay ishiisu u aragto asagoona la kaashan maskaxdiisa , waxaad isku daydaa inaad bedashid qaab fikirkaaga iskuna day inaad u firitid qaab talmoon( positive ah).
3: Go’anso inaad iska badashid cadoyinkaxun ad leedahay:
Ibu aadam aan caado xun lahayn ma jiro waana kuwa marwalba nagu dhibsadaan dadka ama nafteena ku canaanano inaan leenahay , qofwalbana uu ogyahay caadiyinkiisa xun iyo kuwa wanagsan waxana ladhahaa “ way fududahay inaad caado samaysid lakin way adagtahay inaad iska goaysid ’’ waxan ugu yare e caado lagu jari karaa waa 25 bari oo joogto ah adoona kala goynayn.
4:Wakhtiga ilaasho:
maxaa yeelay waa hantida kaliya aynu haysano waa wakhtiga marka isku day inaad ilaashatid wakhtigaaga kuna bixisid wax u qalma iskana yaraysid waxyaalaha macno darada ah.
5: KU DADAAL NIYADADU IYO HADAFKAGU INAY NOQDAN MID WANAGSAN:
Markasta hadaad wanaag ku fakirtid iyo inaad wanaag samaysid niyadaadu waxay noqonaysaa mid farxad badan ilaahay ayaana qoray qadarka marka waa inuu noqda mid aad markasta ku qanacsantahay .
6:KA TAKHALUS WAXYALAHA ADAN RABIN:
Waxa jira waxyaalo badan aadan rabin inay qolka kuu yaalana ama khaanada kaa buuxiyeen sida dharka, kabaha ,buugta iyo IWM waxaad hubtid inaadan u baahnayn is dhaafi si ad nafis uga darento sida inaad dharka aadan rabin aad sadaqaysato buugtana aad maktabadaha u gaysid adoona ku badalanaya kuwo cusub.
7:NAFTAADA CASUUN
sanadkii hore waxbaad xaqiijisay am aka baratay haba yaraadane , bilowga kan cusub iyo kii hore waa inaad naftaada casuuntaa ,adoo u sheegaya inay naftaada xaq kugu leedahay waxana ku casuumi kartaa waxyalaha ay jeceshahay sida inaad soo gadatid waxayaalo aad ka heshay lakin aadan gadan o suuqa yaala ama inaad maqaaxi cusub ka cunto cuno aadan horay u cunin una sheeg naftaada inay istaahisho waxwalba .
Alle ayaa Mahad is kale
35
25
4December 25, 2023 9.9K 3