Lix duco oo kuu soo ururinaysa kheyrka oo dhan: ​سِتُّ دَعَوَاتٍ… — هدي النبي ﷺ — TG.ME

“Lix duco oo kuu soo ururinaysa kheyrka oo dhan: ​سِتُّ دَعَوَاتٍ تَجْمَعُ لَكَ الْخَيْرَ كُلَّهُ: اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ الْهُدَى وَالتُّقَى وَالْعَفَافَ وَالْغِنَى وَالْفَوْزَ بِالْجَنَّةِ وَالنَّجَاةَ مِنَ النَّارِ. Ilaahayow waxaan ku weydiisanayaa hanuun, alla ka cabsi, dhowrsanaan, hodantinimo, ku guuleysiga Jannada, iyo ka badbaadidda Naarta.” ●Hanuun (الهدى): In Alle ku tuso jidka saxda ah oo kuu fududeeyo raaciddiisa. ●Taqwo (التقى): Inaad Alle ka cabsato oo dembiyada ka fogaato. ●dhawrsanaan (العفاف): In Alle kaa ilaaliyo wax xun iyo wax aan xalaal ahayn. ●Hodantinimo (الغنى): In Alle qalbigaaga iyo noloshaada ka dhigo mid ku filan oo aan dadka u baahnayn. ●Ku guuleysiga Jannada: Inaad hesho raali ahaanshaha Alle iyo Jannadiisa. ●Ka badbaadidda Naarta: In Alle kaa ilaaliyo cadaabka Naarta.

May 17, 2026 739 2