Waa maxay canshuurta iibka VAT?
Ma tahay canshuur ku waajibta kaliya wixii lagu iibiyo nidaamka merchant ga loo yaqaan?Maxay tahay xaqiiqada shacabka laga qariyay?
Canshuurta iibka waa canshuur lagu soo rogo dhamaan dhaqdhaqaayada iibka ay sameeyaan bulshada qaybaheeda kala duwan iyo ganacsiyadaba hanaqdaan (retail businesses ) tafaariiqley ama (wholesalers) jumladleey.
Sida caadiga ah canshuurta iibka waxa ay leedahay nidaam u gaar ah sida canshuuraha kale waxaana lagu ururiyaa system dowladeed oo leh habraac iyo qorshe u gaar ah.
Canshuurta iibka waxaa laga qaadaa qof kasta oo wax iibsado hayaraado iibka ama ha badnaado
Xaqiiqooyinka qarsoon ee shacabka laga qariyay canshuurta iibka ma ahan canshuur u gaar ah nidaamka merchant ga, waxa ay ku dhaceysaa dhaqdhaqaaq kasta oo iib ah, maxaa yeelay qofka ganacsadaha ah ee tafaariiqlaha ah marka uu wax kasoo iibsado ganacsi jumladle ah oo ku shqeya nidaamka merchant ga laguna soo canshuuro badeecada uu kusoo iibsaday nidaamkaas waxa uu ku qasban yahah in xadiga canshuurta uu ku daro sicirka alaabaha uu soo iibsaday.
Tusaale
Wxaa tahay ganacsade tafaariiqla ah, waxa aad suuq jumladle le ah oo ku shaqeeya merchant kaga soo adeegatay $100 lagu daray heerka canshuurta oo ah ( $100 × 0.05) , total ka badeecada aad soo iibsatay waxa uu noqon doonaa $105 taas oo aad ku jaangoyn dooontid dib u iibinta badeecadaas
Qofka muwaadinka ah ee canshuur bixiyaha ah waxa uu xaq u leeyahay in helo dhamaan adeegyada dowladeed ee uu u baahan yahay.
Muwaadinka soomaaliyeed waxa uu bixiyaa canshuura kala duwan sida tan hantida (property tax), tan wadoomyinka (Road tax), tan iibka (VAT), waxa uu bixiyaa qidmado kala duwan oo looga qaado qabashada adeegya dowladeed hadaba maxaa natiija ah ee uu helaa muwaadinka, su'aashaan jawaabteeda waxaan u baahan qof walba oo muwaadin ah.
Wasaarada maaliyada shaqadeedu ma in ay wax ururisaa uun, maxay ka qabatay kobcinti dhaqaalaha gudaha (GDP), yareeti faqriga, heerka shaqo la'aanta, dhimida sicir bararka, ilaalinta qiima dhaca alaabaha muhiimka ah, kabsiinta beeraleyda iyo waxyaabihii kale ee looga baahnaa.
Sidaa darteed, sida Fiican ayaa ah in canshuurta la bixiyo lkn aan helno wax la taaban karo oo lagu qabtay lacagihii canshuur ahaan loo qaatay
Ugu danbeyntii: canshuurta iibka ee (VAT), ma saamaynayso oo kaliya merchant ama ganacsiga, ee sicirka waxa lagu dallaci doonaa bulshada si ganacsaduhu aysan badeecadiisa nuqsaan u galin.
@abdifitah_bahdon