Qur’aanka Kariimka ah waxaa ku jira arrin cajiib ah bal halmar u… — محاضرات الشيخ مصطفى حاج إسماعيل هارون — TG.ME

Qur’aanka Kariimka ah waxaa ku jira arrin cajiib ah bal halmar u fiirso ayadahaan: يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْأَهِلَّةِ ۖ قُلْ “Waxay ku waydiinayaan bilaha. Dheh.” وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الْيَتَامَىٰ ۖ قُلْ “Waxay ku waydiinayaan agoonta. Dheh.” وَيَسْأَلُونَكَ عَنِ الْمَحِيضِ ۖ قُلْ “Waxay ku waydiinayaan caadada dumarka. Dheh.” يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْخَمْرِ وَالْمَيْسِرِ ۖ قُلْ “Waxay ku waydiinayaan khamriga iyo khamaarka. Dheh.” وَيَسْأَلُونَكَ مَاذَا يُنفِقُونَ ۖ قُلْ “Waxay ku waydiinayaan waxa ay bixinayaan. Dheh.” يَسْأَلُونَكَ عَنِ السَّاعَةِ أَيَّانَ مُرْسَاهَا ۝ قُلْ “Waxay ku waydiinayaan Saacadda goorta ay dhici doonto. Dheh.” Dhammaan aayadahaan, su’aasha ka dib waxaa yimaada erayga “Qul” (Dheh), taasoo loola jeedo: “Nabi Muxammadow, dheh.” Laakiin waxaa jira hal aayad oo ka duwan: وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِي عَنِّي فَإِنِّي قَرِيبٌ “Markay addoomadaydu kaa weydiiyaan Aniga, anigu waan dhowahay.” Halkaan Alle ma oran “Dheh”, balse si toos ah ayuu uga jawaabay su’aasha, isagoo leh: “Anigu waan dhowahay.” Taas waxay muujinaysaa dhowaanshaha, naxariista iyo jacaylka Alle ee addoomihiisa, iyo in ducadu aysan u baahnayn dhexdhexaadiye. Alle wuxuu kaa dhow yahay xididka qoorta, wuu ku maqlaa, wuu ku arkaa, wuuna ka jawaabaa ducada markaad si daacad ah u baryo. Ee baryo Rabbigaa, una dhowow ducada. 🤲🏻💙

❤4
June 3, 2026 530 1