Alle ha u naxariisto Sheekh Cusmaan Mukhtaar oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Sheekhu maalmihii dambe aad ayuu u xanuunsanaa, waxaana lagu daaweynayay Isbitaalka Digfeer. Salaadda janaasada Sheekh Cusmaan Mukhtaar waxaa lagu tukanayaa maalinta berri ah, Masjidka Sheekh Cabdi Shiikh-aal. Alle ha u naxariisto, marti la jeclaa ayuu ahaa. Alle ha ka dhigo kuwa uu naxariistiisa ku mannaysto, hoygiisana Jannatul Firdowsa ha ka yeelo. Alle ha qalbiga uqabojiyo qoyskiisa, ehelkiisa, qaraabadiisa iyo asxaabtiisa, samir iyo iimaan dhammaantood haka siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون.
August 24, 2026 618 3