Qalinku ma guuro. Ma qorto malaa'igtu kaliya hadalada idin dhax mara dadka e waxa ay qortaa erey walba oo aad ku qorto baraha ay ku wada xidhiidhaan bulshadu, hadalka kiisa wanaagsan iyo kiisa xunba waa laguu diinwaan galinayaa, Wax kasta oo aad ku qorto baraha bulshadu waa dhaxal kaa hadhaya, Faallooyinkaagu haddii aanay ahayn wanaagyo kuu sii soconaya ugu yaran haka tagin xummaanno kuusii socda, qalinku ma guuro adduun iyo aakhiraba baaqi buu ahaanayaa ee yaynaan faro qaab daran iska reebin.
42
16
3May 2, 2024 2.7K 10 2