Markii aad dhalatay waxa ugu weyn ee lagugu qaabbilay waxa ay ahayd duco. In aad ummadda anfacdo xag diineed iyo nololeed ba ayaa Eebbe lagaaga baryey. Waad kortay oo kaalingal ayaad noqotay. Waa laguu duceeyey haddana. In aad aqoonta naftaada dabadeed ummadda ku anfaco ayaa Eebbe lagaa ga durraanshay. Ummaddu kaama doonayso in aad dhaqaale iyo hayn ku biiriso, balse waxa ay kaaga fadhidaa in aad wanaaggaaga ku biiriso xumaantaadana ka haysato. Haddii aanad wanaaggeeda ka qayb noqon karayn ha fasahaadin. Intaa ayay ducadu daarranayd. Waayo, nolosha oo socota oo dheellitiran ayaad dhalatay. Baahi adduunku kuuma qabin oo mahdigii la sugayey ma aad ahayn. In aad naftaada meel wanaagsan dhigto, oo waxyeelladeeda ka haysato ayuun baa ay kuugu ducaynayeen. Marka aad ka huleesho adduunka oo sidii aad ku timi uun u cammiranna badbaado ayay kuugu ducaynayaan. NAFTAADA oo keli ah ayaa ay wax la doonayeen. Marka aad bulsho noocaas ah ka dhalato, waxa wanaagsan haddii aanay waajib kugu ahayn ba in aad wakhti geliso horumarinteeda. Ha noqon qof xumaan ku sheeggan oo wax qarriba. Ha noqon mid noloshooda dursaar ku ah. Noqo kii anfaca loogu ducaynayey. Naftaada anfac taas ayaa bulshada anfacaysee.
Markii aad dhalatay waxa ugu weyn ee lagugu qaabbilay waxa ay ahayd… — Sadam caafi — TG.ME
April 19, 2024 2.1K