📚 Cilmi-baadhis Cusub 🌿 Saamaynta Uu Qaadku Ku Leeyahay Shaqo-wanaaga! Qaadku waa geed si weyn looga beero loogana isticmaalo Bariga Afrika iyo Jasiiradda Carabta. Caleentiisa ayaa la cunaa si ay u keento firfircooni iyo feejignaan, maadaama ay ka kooban tahay maaddooyin maskaxda saameeya, gaar ahaan cathinone iyo cathine (Al-Hebshi & Skaug, 2005; Balint et al., 2009). Cilmi-baadhisyadu waxay caddeeyeen in cunista qaadku keento dhibaatooyin caafimaad sida: dhiig-karka, cudurrada wadnaha, niyad-jabka, waallida, iyo isbeddello dhinaca dabeecadda ah (Al-Hebshi & Skaug, 2005; Balint et al., 2009; Abou-Elhamd et al., 2021). Sidoo kale, daraasado kale ayaa sheegay in qaadku sababo dhibaatooyin bulsho iyo dhaqaale, oo ay ka mid yihiin maamul-xumo xaga waqtiga ah, hoos u dhaca saacadaha shaqada, qanacsanaan la'aanta nolosha qoyska, iyo culays dhaqaale (Omar et al., 2019; Maalim, 2018). Inkastoo cilmi-baadhisyo kooban ay muujiyeen in isticmaalka dhexdhexaadka ahi uu si ku-meel-gaadh ah u kordhin karo firfircoonida, feejignaanta, iyo kalsoonida shaqada (Gudata et al., 2019; Wood et al., 2024), isticmaalka joogtada ah ayaa guud ahaan lala xidhiidhiyey hoos u dhac ku yimaadda awoodda maskaxda iyo waxqabadka shaqada (Ahmed et al., 2021). Si kastaba ha ahaatee, kahor daraasadan aan samaynay, ma jirin cilmi-baadhis si gaar ah u baadhay xidhiidhka ka dhexeeya cunista qaadka iyo waxqabadka shaqaalaha ha ee Somaliland gaar ahaan Hargeisa oo kamid ah meelaha qaadka ugu badan lagu cuno geyiga Somalida. Si'aan war sugan uga helo, waxaanu samaynay daraasad quantitative cross-sectional ah oo laga qaaday 150 rag ah oo ka shaqeeya ganacsiyada yaryar ee suuqa badhamaha Hargeysa. Xogta waxaa lagu ururiyey su'aalo habka Likert Scale ah, waxaana lagu falanqeeyey multiple linear regression, iyadoo la xakameeyey variables ka ay ka mid yihiin heerka waxbarashada, xaaladda guurka, nooca shaqada, nooca qaadka, iyo da'da. Natiijooyinku waxay muujiyeen in cunista qaadku si weyn u yarayso waxqabadka shaqada (β = 0.879, p < 0.001). Halka heerka waxbarashada, xaaladda guurka, nooca shaqada, da'da, iyo nooca qaadka la cuno aysan lahayn saameyn muhiim ah. Daraasaddu waxay ku soo gabagabaysay in yaraynta cunista qaadku ay kor u qaadi karto wax-soo-saarka shaqaalaha. Sidaa darteed, waxay ku talisay in la xoojiyo wacyigelinta goobaha shaqada, la dejiyo siyaasado iyo barnaamijyo lagu dhimayo isticmaalka qaadka, isla markaana la sameeyo cilmi-baadhisyo dheeraad ah si loo fahmo saamaynta muddada dheer ee qaadku ku leeyahay waxqabadka shaqada. Kasoo akhriso maqaalka oo dhamaystiran halkan: 👇👇👇 https://peerj.com/articles/21430/
2