'Morning Makeover' W/Q: Damon Zahariades - How to boost your productivity, explore your energy, and create an extraordinary life - one morning at a time! Buuggu wuxuu ka warbixinayaa sida hal saac ee ugu horreysa maalinta ay u noqon karto furaha guusha iyo isbeddel nololeed. Wuxuu si qotodheer u sharxayaa muhiimadda hurdada wanaagsan, faa'iidada soo kicidda xilli hore, iyo sida loo dhiso caadooyin subaxnimo oo la jaanqaadaya ahdaafta iyo qorsheyaasha qofka. Wuxuu ina barayaa sida caadooyin wanaagsan loo sameysto, hab iyo hannaan lagu abuuro jadwal subaxeed waxtarleh, laguna xoojiyo wax-soo-saarka, tamarta, diiradda, joogtaynta, caafimaadka iyo edbinta nafta. Sidoo kale wuxuu ka hadlayaa sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ay kamid yihiin dib u dhigashada, caajiska iyo waxqabad la'aanta. Waa buug maalintaada ka dhigaya mid aad u riyaaqdo. @kaydbooks
21
3