NABADGELYO PRAGUE! Waxaa la gaaray xilligii aan Prague nabadgelyeyn… — Dunida Suugaanta✨🥰 — TG.ME

NABADGELYO PRAGUE!
Waxaa la gaaray xilligii aan Prague nabadgelyeyn lahaa oo meel kale isku dayi lahaa. Nasiibdarro, waa xilligii aan kali ah ka fekeri lahaa meelaynta noloshayda yarta ah. Qalinjebintaydu waxay ku soo beegantay xilli welwel weyni iga hayo aayaha noloshayda iyo tan dalkaygaba. Waxay ku soo beegantay xilli aan dib u liqay naalladii ku noqoshada dalkayga, aniga oo wax soo bartay. Waxaa la gaaray xilligii aan gurdanraac noqon lahaa oo ku biiri lahaa Soomaalida badan ee galbeed u haajirka ah. Waxaa dhammaaday noloshaydii ardaynimada, waxaana ii bilowday tu hor leh oo aan sugnayn. Tu aan la saadaalin karin meel ay ku dambayn karto iyo waxa ay la ay kulmi doonto midna. Ma garan karo meel aan aado iyo waxa aan ka fili karo socodkayga, waxaanse ku khasbanahay in aan dhaqaaqo, ilaa aan la kulmo meel aan guri ka dhigto. Waxaan ku khasbanahay in aan isu diyaariyo barashada afka iyo dhaqanka dal kale oo igu cusub; in aan mar kale nolosha qurbaha kow ka bilaabo oo isu diyaariyo turunturrooyin iyo lamafilaano hor leh. Ma waxaan noqon doonaa geed-abaareed lagu beeray dhul qabow oo qoyan dabadeedna ku dhada cimmilada deegaanka cusub, mase waxaan noqon doonaa geed meel kasta iyo xilli kasta ku bixi kara oo xay iyo caleemo dhalin kara? Taasi waa su'aal aan laga jawaabi karin maanta oo u baahan in waqti iyo baxnaano la siiyo.

Dhinaca kale, marka noloshayda laga eego, waxaan ahay nin nasiib badan. Waxaan ahay nin nasiib badan, marka la ii eego Soomaali badan oo iga liidata oo aan xataa iyagu heli karin meel ay nafta u la cararaan. Waxa aad iiga liita kuwa ku jira xeryaha qaxootiga Afrika oo aan ka fekeri karin wax ka durugsan nololmaalmeedka joogtada ah. Waxa aad iiga liita kuwa wali ku dhex jira dagaalka sokeeye ee dalkooda aafeeyay ee aan garan karin goor ay xabbadi haleeli doonto. Waxa aad iiga liita kuwa ehelka iyo sokeeyaha ku waayey dirirta micnadarro ee dadkooda dhex taal. Waxaa aad iiga liita gabdhaha iyo hooyooyinka la faraxumeeyey ee sharaftoodii iyo dadnimadoodii meel looga dhacay. Waxaa aad iiga liita kuwa ku riyoonaya in ay qaxaan oo bal mar uun soo galaan qurbaha aan ka cabanayo. Shaki la’aan, waxaa aad iiga liita kuwa yaryar ee aan waxbarashada fursadda u helin ee aayahoodii dayacmay. Waxaan oran karaa, dhab ahaan, waxaa aad iiga liita badanaaba Soomaalida maanta ku nool dalkaygii hooyo. Murugo kasta iyo welwel kasta oo aan qabo, waxaan ka mid ahay dadka ugu nasiibka badan danyarta Soomaalida maanta.
Su’aasha ugu adag ee la i wayddiiyaa waxay tahay, ”horta maxaa dadkiinu isu laynayaa? Maxaa sababay dirirta iyo is gumaadka intaas le’eg ee idin kala hantaawilifiyey?” Waxaa kale oo la i wayddiiyaa sababta dheeraysay heshiis la’aanta. Sababta fogeysay is afgarashada iyo gunaanadka colaadda sokeeye? Waa su’aalo aanan wali jawaab dadka qancisa u helin. Run ahaan, waa su’aalo aan aniga ruuxaygu

– Buuga Qab iyo Quursi
❤12😁1🆒1
August 8, 2026 1.3K 2