Saw dartay umaad dhalan ? Ana feedha dhabarkiyo Dhinac kaa maqnaayoo… — Discovered🧠 thoughts🌐 — TG.ME

Saw dartay umaad dhalan ?

Ana feedha dhabarkiyo
Dhinac kaa maqnaayoo
Dhulka lagu abuuriyo
dhadigaagii baan ahay

Waynu kala dhaqaaqnee
Wax dhexdeena yaaloo
Dhamaan waayay baa jira
Adna dhaymo Maad helin
Anigana dharaar qudha
Dhawaaqiyo codkaagii
Dhagahayga kama bixin

Haasaawe dheeraa
oo dareeno dhaba iyo
Nafo laysku dhaafsaday
Inkastoo la dhayalsaday
Xasuus dhago adaygtoo
Dhiman wayday baa nool

Mana rabo dhigaagee
Adigana dhabeel kale
Dhaayahaagu yay qaban

Saw dhibicda roobkee
Kugusoo dhacaysiyo
Dhulka aad ku socotiyo
Dharka kama hinaasani😔

Jimce wngsan dhaman asxabta ku xidhan pagekena Ruuxda Dagan🫶🤍❤️
❤11👍3
April 25, 2025 2.4K 1