DANAB MEDIA: post #2621 — TG.ME

Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ururka 252-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS ayaa maanta howlgalo kasameeyay dhulka howdka ah ee hoosyimaada deganada sabiid caanole Bariire tisxiile iyo waraabole ee gobolka shabellaha hose. Howlgalkan ayaa lagu xaqiijinayay amaanka deeganada iyo dhulka miiyiga ah oo ay kooxda khawaariijta alshabaab si dhuumaaleysi ah ugu dhibaateeynayeen dadka shacabka ah ayagoo miinooyin wadada u galiya xoolaha iyo dadka reer guuraga ah. Ciidamada xooga dalka waa kuwa utaagan caawinta dadka shacabka ah iyo kahortagida dhagarta kooxdaan khawaariijta ah. Taliyaha ururka 252-aad guutada 25-aad CXDS Maxamed xasan abuukar dhala dheere oo hogaaminayay howlgalka ayaa sheegay inta ay Koxda khawaarijta alshabaab kusugantahay taako kamida dhulka somalia 🇸🇴 ah ineysan ka caajiseeynin baacsiga khawaariijta alshabaab

November 24, 2025 11.4K 6