Hawlgal uu hogaaminayay Taliyaha Ururka 251-aad Guutada 25-aad Qeybta 27-aad CXDS Maxamed xasan abuukar dhala dheere Ayaa Laga Sameeyey deegaano Hoos yimaada Degmoyinka afgooye iyo owdhegle ee Gobalka shabellaha hose
Hawlgalka Ayaa si gooniya uga dhacay deegaanada shabeleey cismaan dure Boolo doonka bangaleey waan daasha Oo ay khawaarijta ku lahayeen Goobo Ay ku dhibateeyaan Shacabka,
Taliye dhala dheere Ayaa sheegay in Hawlgalka u jeedkiisu aHaa Burburinta Goobaha gabaadka u ah Khawaarijta isagoona Shacabka Ka Codsaday in ay la Shaqeeyaan Ciidanka Si Xidida Loogu Siibo Kooxdan Gabalkeedu Dhacay.
26
5November 22, 2025 10.9K




