Ciidamada geesiyaasha ah ee Degaanka Gobolka Hiiraan ayaa caawa howlgal qorsheysan ku dilay horjoogihii Khawaarijta ee lagu magacaabi jiray Cali Axmed Guure, oo loo yaqiin Cali Qoyane, kaasoo lagu beegsaday deegaanka Mabaax ee hoos taga degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan. Horjooge Cali Qoyane ayaa ahaa horjooge muhiim ah oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, wuxuuna ka masuul ahaa falalka gubista gaadiidka shacabka iyo dhibaateynta dadka rayidka ah ee ku nool degaannada Gobolka Hiiraan arrintaas oo keentay in shacabka gobolkaasi ay kacdoon adag kaga hortagaan Khawaarijta. Sidoo kale, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ayaa horey xukun dil ah ugu ridday Cali Qoyane isagoo maqane ah, kaddib markii la helay caddaymo muujinayay doorkiisii tooska ahaa ee falal argagaxiso oo lagu beegsaday shacab iyo masuuliyiin. Howlgalka caawa lagu dilay horjoogahan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay Ciidamada Degaanka iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka wadaan Gobolka Hiiraan, si loo ciribtiro haraadiga Khawaarijta iyo cadowga shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada geesiyaasha ah ee Degaanka Gobolka Hiiraan ayaa caawa… — DANAB MEDIA — TG.ME
October 12, 2025 11.7K