CIIDANKA XDS OO HAWLGAL KA DHANKA KHAWAARIJTA KA WADA DUULEEDKA DEEGAANKA BASRA
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 11-aad ee Ciidanka Gaarka ah, ayaa hawlgal lagu baacsanayo Khawaarijta ka wada duleedka deegaanka Basra, oo ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
Hawlgalkan ayaa lagu dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, waxaana sidoo kale ciidamadu gacanta ku dhigeen hub ay maleeshiyaadku wateen.
Taliye ku-xigeenka Guutada 11-aad ee Ciidanka Gaarka ah ee XDS, Gaashaanle Cabdulkadir Xasan Cusmaan, ayaa sheegay in hawlgalku uu weli socdo, isla markaana ciidamadu ay sii wadaan baacsiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya deegaannadaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa wada howlgallo qorsheysan oo lagu beegsanayo Khawaarijta iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, si loo xaqiijiyo amniga shacabka iyo xasiloonida deegaannada ku teedsan Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.
43
6
2
1August 30, 2026 1.9K 2



