Consistency Vs Intensity Qofku in uu dadaalo oo juhdi badan bixiyo… — Motivations & Somali books — TG.ME

Consistency Vs Intensity Qofku in uu dadaalo oo juhdi badan bixiyo waa wax aad u fiican oo uu natiijo fiican ku gaari karo. Waxaase dhici kartaa in aad muddo yar ka dib ka daashid oo aad wadi waydid. Hal ama labo maalmood oo aad Gym tagtid oo biro badan qaadid ... muruqyadu ku xanuunaan, kadibna aadan bil ku noqon! "Intensity" waa in aad muddo gaaban juhdi badan ku bixisid si aad u heshid natiijo deg deg ah. Haddii aad yar yaraysid juhdigaaga, laakiin aad joogtaysid ... maalinba inta aad qaban kartid, laakiin aadan ka daalin najiidada waxay kugu qaadan waqti dheer ... laakiin yoolkaagi waad gaaraysaa. Joogtayntu (Consistency) waxay ku baraysaa in aad yeelatid caado (habit) wanaagsan. Mar hadday caado kuu noqontana dhib kugu qaban mayso ... adigoo samayay baad arkaysaa. U jejebi natiijada aad rabtid in aad gaartid shaqooyin yar yar oo aad qaban kartid, joogtayn kartid, aadan ka daalayn, kuuna noqda caado aad qabatintid. Qaado nasasho markaad u baahatid si aad dib ugu karaar qaadatid. " وقليل دائم خير من كثير المنقطع " ..... Motivations & Somali books 📚

September 17, 2024 2.3K 1