Faaidooyinka ay ledahy xawqalada 💗 { لا حول ولاقوة إلابالله } :-
1. Waxay tahay hanti Jannada ka mid ah.
Nabigu ﷺ wuxuu yiri:
“La hawla wa laa quwwata illaa billaah waa kanz (hanti weyn) oo Jannada ka mid ah.”
2. Waxay xoojisaa kalsoonida qofka ee Allah.
Qofka markuu dhaho dhikrkan, wuxuu qirayaa in xoog iyo awood midna uusan lahayn ee wax kasta ay ku xiran yihiin Allah.
3. Waxay yaraysaa murugada iyo culeyska nafta.
Dhikrkan wuxuu qalbiga ku shubaa deganaansho iyo xasillooni, wuxuuna qofka ka fogeeyaa walbahaarka iyo welwelka.
4.Waxay keentaa gargaar iyo fudayd.
Allah wuxuu u fududeeyaa arrimaha adag qofka si daacad ah u yiraahda dhikrkan.
5.Waxay tirtirtaa dambiyada yar yar.
Waa dhikr aad u fadli badan oo nadiifiya qalbiga iyo camalka.

7September 2, 2026 164 1