تكلم حتى أراك" "Bal hadal aan ku gartee/ku arkee" ! Waa hadalkii… — Dareen — TG.ME

"تكلم حتى أراك" "Bal hadal aan ku gartee/ku arkee" ! Waa hadalkii caanka ahaa ee faylasuufkii waynaa socrates u adeegsaday mar uu ardaydiisa cashir u meerinayay nin u yimi isagoo iskala taagtaagaya oo faan iyo faakh ka muuqato oo labis iyo agab qaalli ah ku sharraxan, micnuhu waa muuqaalkaagan baarka sare saaran micne wayn samayn maayo oo kaa wada turjumi maayee bal hadal aad isu sheegtide, qofku isla marka uu hadlo wuu iska hadlaa, wuu isqeexaa oo is micneeyaa, sida uu u hadlayo iyo waxa uu qofku ku hadlayo waa halbeegyada lagu ogaado waxa uu yahay ama aaminsayahay, Waxaa jirta murti kale oo carbeed oo oranaysa : "وكم من صامت ترى لك معجب * زيادته أو نقصه فى التكلم" ! Qof hadii aad rabto inaad yool baarto ka hadal sii ama aad u dhagayso waad baran doontaaye, macquul inaad ka shallaydo inuu hadlay Iyo inaad ka xumaato sababta uu u aamusnaan jiray.!. Xigasho

January 14, 2024 3.4K 3