حوار بين أحمد وعلي في السوق
Wadahadal u dhexeeya Axmed iyo Cali oo suuqa jooga
أحمد: السَّلَامُ عَلَيْكُمْ، إِلَى أَيْنَ تَذْهَبُ؟
Axmed: Asalaamu calaykum, xaggee baad u socotaa?
علي: وَعَلَيْكُمُ السَّلَامُ، أَذْهَبُ إِلَى السُّوقِ لِلتَّسَوُّقِ.
Cali: Wa calaykumu salaam, waxaan aadayaa suuqa si aan wax uga soo iibsado.
أحمد: مَاذَا تُرِيدُ أَنْ تَشْتَرِيَ؟
Axmed: Maxaad rabtaa inaad iibsato?
علي: أُرِيدُ أَنْ أَشْتَرِيَ الأَرُزَّ وَالسُّكَّرَ وَالزَّيْتَ وَالدَّقِيقَ.
Cali: Waxaan rabaa inaan iibsado bariis, sonkor, saliid iyo bur.
أحمد: هَلْ لَدَيْكَ قَائِمَةُ الْمُشْتَرَيَاتِ؟
Axmed: Ma haysataa liiska waxyaabaha la iibsanayo?
علي: نَعَمْ، كَتَبْتُ كُلَّ مَا أَحْتَاجُ إِلَيْهِ فِي هَذِهِ الْقَائِمَةِ.
Cali: Haa, waxaan liiskan ku qoray dhammaan waxyaabaha aan u baahanahay.
أحمد: كَمْ سِعْرُ كِيلُو الأَرُزِّ؟
Axmed: Immisa ayuu yahay kiilada bariisku?
البائع: سِعْرُ كِيلُو الأَرُزِّ دُولَارٌ وَنِصْفٌ.
Iibiyaha: Qiimaha kiilada bariisku waa hal doollar iyo nus.
علي: هَلْ يُمْكِنُكَ أَنْ تُخَفِّضَ السِّعْرَ قَلِيلًا؟
Cali: Ma qiimaha wax yar ma iga dhimi kartaa?
البائع: نَعَمْ، سَأُعْطِيكَ إِيَّاهُ بِدُولَارٍ وَرُبْعٍ.
Iibiyaha: Haa, waxaan ku siinayaa hal doollar iyo rubuc.
علي: جَيِّدٌ، سَآخُذُ خَمْسَةَ كِيلُوجْرَامَاتٍ.
Cali: Waa hagaag, waxaan qaadanayaa shan kiilo.
أحمد: وَهَلْ تُرِيدُ شَيْئًا آخَرَ؟
Axmed: Wax kale ma rabtaa?
علي: نَعَمْ، أُرِيدُ بَعْضَ الْخُضْرَوَاتِ وَالْفَوَاكِهِ.
Cali: Haa, waxaan rabaa khudaar iyo miro.
أحمد: مَا الْفَوَاكِهُ الَّتِي تُفَضِّلُهَا؟
Axmed: Miro noocee ah ayaad jeceshahay?
علي: أُفَضِّلُ الْمَوْزَ وَالتُّفَّاحَ وَالْمَانْجُو.
Cali: Waxaan jeclahay mooska, tufaaxa iyo cambe.
أحمد: هَلْ دَفَعْتَ ثَمَنَ الْمُشْتَرَيَاتِ؟
Axmed: Ma bixisay lacagtii alaabta?
علي: نَعَمْ، دَفَعْتُ بِالنَّقْدِ، وَأَخَذْتُ الْبَاقِيَ.
Cali: Haa, lacag caddaan ah ayaan ku bixiyay, waxaanan qaatay lacagtii soo hartay.
أحمد: حَسَنًا، لِنَعُدْ إِلَى الْبَيْتِ.
Axmed: Waa hagaag, aan guriga ku noqono.
علي: نَعَمْ، لَقَدِ اشْتَرَيْنَا كُلَّ مَا نَحْتَاجُ إِلَيْهِ.
Cali: Haa, waxaan iibsanay dhammaan wixii aan u baahnayn.
9
5
3
1August 15, 2026 1.1K 1